Maanta, aduunka casriga ah waxa lafdhabar u ah adeegsiga internet-ka iyo tiknoolajiyada. Waxaa maalinkasta lagu wada xidhiidhaa Facebook, WhatsApp, Gmail, YouTube iyo baraha kale ee bulshada. Laakiin in badan oo dadkeena ah waxay u nugul yihiin weeraro amni darro ah, sababo la xidhiidha aqoon la’aan ama feejignaan la,aan.
Maqaalkani wuxuu dul istaagayaa tobanka qalad ee ugu caansan ee dadka Soomaaliyeed galaan marka ay isticmaalaan internet-ka โ iyo sida looga hortagi karo.
1. ๐งพ Isticmaalka Furaha Sirta ah ee daciifka ah sida (123456 am somalia123)
Waxaa jira dad badan oo wali u isticmaala password fudud sida 123456 ama somalia123 . Furayaashan waa sida albaab furan oo ay wada garan karanaa tuugada internetku (hackers).
Xalka: Samee password adag oo aan la qiyaasi karin. Tusaale: M0gaD!shu2025@
2. ๐ In Loo Isticmaalo Hal Password Dhamaan Akoonada
Marka aad hal password u isticmaasho Facebook, Gmail, iyo bangiga โ haddii hal meel laga helo, dhammaan waa la heli karaa.
Xalka: Isticmaal password kala duwan meelkasta. Waxaad isticmaali kartaa barnaamij password kuu kaydin kara hadii xasuustaadu hoosayso sida Bitwarden ama LastPass.
3. ๐ฒ In La Illaawo Isticmaalka Two-Step Verification (2FA)
Gmail, Facebook iyo shirkadaa kale oo dhan waxay leeyihiin ilaalin labaad (2FA). Laakiin dadka qaar wey iska iloobaan ama uma arkaan muhiim.
Xalka: U isticmaal dhamaan akoonadaada 2FA. Tani waxay kaa ilaalin doontaa tuugada xitaa haddii password-ka la helo.
4. ๐ฃ Furista Linkyo Been Abuur ah (Phishing)
Mararka qaar waxaad heli doontaa fariin odhanaysa:
โWaad guuleysatay $5,000! Guji si aad u hesho!โ
Fariimahaas waa khiyaano (phishing). Waxa laga yaabaa in lagaa xado akoonkaaga ama lagugu soo daayo fayras.
Xalka: Haddii link uu shaki kaaga jiro โ ha gujin. Hubi cidda kuu soo dirtay, gaar ahaan haddii uu e-mail yahay.
5. ๐ถ Isticmaalka adeega Wi-Fi ee goobaha Dadweynaha
Haddi aad isticmaasho Wi-Fi-ka hotel, makhaayad ama meherad, adoo aan isticmaalin VPN, waxay u sahli kartaa tuugada internet-ka(Hackers) in ay akoonadada jabsadaan .
Xalka: Haddii Wi-Fi goobaha dadweynaha aad isticmaalayso, iska ilaali inaad gasho akoonada muhiim ka ah. Ama isticmaal VPN (Virtual Private Network).
6. ๐ฅ Soo Dejinta Apps ama Barnaamijyo aan La Hubin
Waxaa jira dad soo degsada apk aan la hubin badqabkiisa. Barnaamijyadaas waxay keeni karaan fayrasyo ama malware.
Xalka: Soo degso kaliya apps ku jira Google Play Store ama App Store. Meelaha kale waa khatar.
7. ๐ข Hadalka Noloshaada Gaarka aad kaga hadasho social media
Marka aad si joogto ah u faafiso xogtaada shaqsiyadeed sida meesha aad joogto, lacagta aad heshay, ama qoyskaaga โ waxaad noqon kartaa bartilmaameed fudud.
Xalka: La soco waxa aad la wadaagayso bulshada. Xitaa saaxiibadu waxay mararka qaar noqdaan dad dan gaar ah leh.
8. ๐ฆ In Aan La Isticmaalin Antivirus
Dadkeena badankiisu ma isticmaalaan Antivirus hadii ay isticmaalayaan Computer am Mobile,t aasi waxay ka dhigantay kaxaynta gaadhi bilaa bareeg ah.
Xalka: Isticmaal Antivirus si aad uga badbaadiso akoonadaada wixii dibada kaga imanaya
9. ๐ Ka Tagista Mobile-ka am Computer-ka oo furan
Qaar badan oo inaga mid ah waxay ka tagaan laptop-kooda, tablet-kooda ama telefoon-kooda iyagoo aan password saarnayn. Taasi waxay sahalaysaa in akoonadadaad si fudud loo heli karo.
Xalka: Samee lock screen adigoo isticmaalaya PIN, fingerprint, ama pattern.
10. ๐ In Aan La Cusboonaysiin Software-yada iyo Barnaamijyada
Barnaamijyada aan la update-gareynin waxay leeyihiin daldaloolo (security holes) ay hackerradu isticmaalaan.
Xalka: Marka update lagu soo diro app ama system, samee isla markiiba. Waa muhiim.
๐ง Gunaanad
Tiknoolajiyadu waxay keentay fursado badan, balse sidoo kale waxay leedahay halis haddii aanan feejignaan. Dadka Soomaaliyeed waxa la gudboon in ay noqdaan kuwo baraarugsan, kana taxaddara sida ay u isticmaalaan internet-ka.